Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan.

Sharcigan ayaa dhigaya in dadka soo galaya Maraykanka iyagoo soo dhexmaraya dal sadexaad ay magangalyo soo dalbadaan ka hor inta ayna soo gaadhin xuduudaha waddanka.Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa ka dhigan in dalka oo dhan laga hirgalin karo hadda.

Madaxweyne Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray arrintaasi waa “Guul wayn oo maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay ka soo hoyisay arrimaha xuduudaha iyo soogalootiga”.

Maamulka Trump ayaa yaraynaya qaxootiga Maraykanka gala, isagoo marar badan ku guul darraystay qorshayaal uu kula dagaalamayay dadka beegsada waddankiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga