Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxa habeenkii xalay ahaa ka da’ay roob watay baraf yar yar, balse meelaha qaar ayuu barafku ku badnaa, sida ay sheegayaan dadka deegaanku.

Deegaanada Geeska Afrika ayaan inta badan lagu aqoon barafka, inkasta oo ay dadka qaar u sababaynayaan cimilada adduunka ee is bedelaysa.

Roobabka gooblka ka da’a ayaan ahayn kuwii looga bartay, deegaanada qaar abaaro xoogan ayaa ka jira, halka deegaano kalana ay ka da’ayaan roobab aan looga baran sida magaalada Hargeisa oo kale.

Dadka ku xeel dheer arimaha deegaanka iyo cimilada ayaa qaba in saamaynta cimilada adduunka ee isbedelaysa imika lagu arkayo Geeska Afrika, iyadoo ay suurtagal tahay in la arko dhacdooyin kale oo aan hore loogu arag gobolka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga