Roobab duufaano watay oo ka da’ay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub oo uu waddanka Turkigu ka mid yahay ayaa la sheegay inay sababeen dhimashada in ka badan 12 qof, iyadoo sidoo kale ay roobabkaasi sababay dhaawacyo dad kale soo gaadhay iyo khasaare hantiyeed oo kale.

Dalalka roobabka da’ay ay saamaynta ku yeesheen waxa ka mid ah Turkiga, Giriiga iyo Bulgariya, waxaanna dalalkaasi ka socda gurmad loogu jiro sidii loo taakulayn lahaa dadka ay roobabkaasi saamaynta ku yeesheen.

Dhimashada ugu badan ee roobabkan ka dhashay ayaa ka dhacday dalka Turkiga oo ugu jiraan ay toddoba qof ku geeriyoodeen, iyadoo laba qof oo dadkaasi ka mid ah ay ku dhinteen magaalada Istaanbuul, halkaas oo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 31 qof oo kale, waxayna roobabkaasi sababeen daadad xoogan ku soo rogmaday caasimadda Istaanbuul iyo magaalooyin kale oo dalka Turkiga, kuwaas oo saamayn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale, dalalka Giriiga iyo Bulgariya ayey roobabkani dhibaatooyin u gaysteen, waxaanna si xoogan u fataxay webiyada iyo goobaha biyo-mareenada ah, iyadoo korontadu ka tagtay magaalooyin badan oo ka mid ah dalalkaasi roobabka duufaanka watay ka da’een.

Dawladda Turkiga, Giriiga iyo Bulgariya ayaa bilaabay dedaalo loogu gurmanayo bulshooyinka iyo degaannada ay roobabku waxyeelada u gaysteen, waxaanna dadka looga digay inay ka fogaadaan meelaha khatarta ah ee ay dhibaatooyinka kala kulmi karaan.

Roobabka sababay daadadka xoogan oo sidoo kalena watay dabaylo iyo duufaano kale ayaa lagu tilmaamay inay ka qayb ka yihiin dhibaatooyinka ka dhashay isbedellada cimilada adduunka ee xiligan si weyn looga wada dareemayo caalamka oo dhan.

2 Attachments • Scanned by Gmail

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga