Xildhibaanada asal ahaan Soomaaliga ah ee Ilhan Cumar balse ka tirsan Koongareeska Maryakanka ayaa booqasho ku joogta dalka Pakistan, iyadoo la kulantay saraakiisha sare ee dawladda Pakistan.

Ujeedada safarka Ilhan Cumar aya alagu sheegay si ay ugu kuur gasho xaaladda Pakistan kadib raysalwasaarihii xilka laga qaaday, iyadoo noqonaysa xildhibaankii ugu horeeyay e Koongareeska Maraykanka ah ee booqasho ku taga Pakistan wixii ka danbeeyay doorashada cusub ee raysalwasaaraha.

Waxay la kulantay raysalwasaarihii xilka laga qaaday Cimraan Khaan, raysalwasaaraha cusub, madaxweynaha Pakistan iyo saraakiil kale.

Ilhan waxay ku bogaadisay Pakistan doorka ay ka qaadato la dagaalanka Islaam nacaybka dunida ka jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga