Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay saacadihii danbe ee xalay in uu la wareegay masuuliyadihii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka labadaba, kadib safarka uu madaxweyne Deni ku tegay magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa imanaysa xili uu madaxweynaha Puntland magacaabay masuuliyiin cusub isaga oo ku usgan magaalada Muqdisho.

Waxay ka dhigan tahay in khilaaf cusubi mar kale ka dhex curtay labada hogaamiye ee Puntland ugu sareeya.

Waxa hore u jriay khilaaf soo kala dhex galay Deni iyo Karaash kaas oo meel xun gaadhay iyadoo mar danbe ay dhinacyadu ka heshiiyeen kadib odayayn iyo dhex dhexaadin la sameeyay.

Siciid Deni wuxuu rabaa in uu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya isagoo olole ka bilaabay Muqdisho balse ku Axmed Karaash ayaa raba in uu xafiiska baneeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga