Shirkadda Facebook waxay meesha ka saartay waraysi dhawaan laga qaaday madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Donald Trump, kaas gabi ahaanba laga tirtiray Facebook.

Shirkadda oo war kasoo saartay muuqaalka Trump ee ay masaxday waxay sheegtay in madaxweynahan hore laga mamnuucay barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.

Inanta uu soddoga u yahay Donlad Trump ee Lara Trump oo dhawaan qayb ahaan la shaqaysa Fox News ayaa soo dhigtay waraysiga barta ay ku leedahay Facebbok, balse shirkadda Facebook ayaa ka saartay.

Farriin loo diray Lara Trump ayay shirkadda Facebook ku sheegtay in Trump aan loo ogolayn in codkiisa laga maqlo gudaha Facebook, isla markaana xanibaadii la saaray akoonadiisa ay sidoo kale saamaysay in cod uu leeyahay mar danbe lasoo galiyo barta Facebook.

Shirkadda wayn ee Facebook ee laga leeyahay dalka Maraykanka iyo barta kale ee ay iska leedahay ee Instagram ayaa laga mamnuucay Donlad Trump, madaxweynihii hore ee Maraykanka, wixii ka danbeeyay rabshadihii lagu weeraray aqalka baarlamanka ee magaalada Washington.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga