Xukuumadda Somaliland ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay shil-tareen oo ka dhacay bariga jasiiradda Taiwan.

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu yidhi:

‘’Waxaan aad uga xunahay warka naxdinta leh ee shilka tareenka ee Bariga Taiwan. Xilligan murugada iyo luminta, hubinta naxariista weyn ee Somaliland, iyadoo aan muujineyno isku-duubnideena waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska dhibbanayaasha iyo umadda aannu saaxiibka iyo  walaalaha nahay, Taiwan’’ ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, kaasi oo tacsi loogu diray dadka ku dhintay shilka tareen ee ka dhacay jasiiradda Tiawan.

Ugu yaraan 54 qof ayaa geeryooday in kabadan boqolna way dhaawacmeenm kadib markii tareen xawli ku socda uu ka leexday jid dhulka hoostiis ah bariga Taiwan subaxnimadii Jimcaha, sida ay masuuliyiinta reer Taiwan sheegeen.

Shilkan tareen, ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee jasiiradda ka dhaca ugu yaraan 40 sano.

Wararka ayaa sheegaya in tareenkani sababay dhimashada iyo dhaawaca badan, ay saarnaayeen dad tiradoodu ku dhowdahay illaa 500 oo qof, isla markaana sababta shilka sababtay ay ahayd, kadib markii uu ku dhacay gaadhi kuwa dhismaha ah oo ku xayirmay afaafka godka tareenka.

Tareenka ayaa ka yimi caasimadda Taipei, waxaanu u socday magaalada Taitung, isagoo siday dad qaatay fasax dheer oo todobaadle ah, waxaanu kamid yahay nooca tareennada ugu amaanka badan uguna dhakhsaha badan shabakadda tareennada dalkaasi.

 

Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan, ayaa sii xoogaysanaya muddooyinkii u dambeeyay, waxaanay xafiisyo ka kala furteen caasimadaha Taipei iyo Hargeysa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga