Xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ee UCID ee Somaliland aya xabsiga loo taxaabay maalintii shalay ahayd, sida ay saraakiisha xisbiga iyo booliskuba u xaqiijiyeen warbaahinta SAAB.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa la sheegay in si shakhsi ah uu u dacweeyay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Cali Faarax, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliska Somaliland. Booliska ayaa intaa ku daray in xoghayaha waaran sharci ah loo dhiibay ka hor inta aan la xidhin galabnimadii shalay.

Xisbiga uu ka tirsanyahay ee UCID ayaa cambaareeyay xadhigiisa. Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga, Kayse Yuusuf, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xadhiga masuulkani uu yahay marin habaabin iyo in la carqaladeeyo hawlaha doorashada ee socda.

Dhanka kale, afhayeenka xisbiga mucaaridka ee WADDANI ayaa isaguna tibaaxay in xoghaye Ramaax aanu u xidhnayn gudoomiyaha golaha wakiilada, balse uu u xidhanyahay koox uu ku sheegay ‘Heego.’

Somalialnd waxa bilhii danbe kusoo badanayay xadhiga masuuliyiinta xilalka sare haya ee xisbiyada mucaaridka iyo warbaahinta qaybaheeda kala duwan, arintan oo walaac ballaadhan ay ka muujiyeen beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuqda aadanuhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga