Sannadkan 2019, wuxuu ahaa mid saamayn ku yeeshay adduunka iyo geeska Afrika, haddaba maalmaha ka hadhay sannadkan, telefishanka Saab TV, waxaad ka daawan doontaan dhacdooyinkii ugu waawaynaa ee adduunka ka dhacay guud ahaan, gaar ahaanna geeska Afrika iyo geyga ay Soomaalidu degto. Qaybtani waa mid kamid ah waxyaabihii ugu waawaynaa sannadkan ee dunida ka dhacay:

 

1-dii January ee sannadkan 2019-ka, dalka Brazil ayaa waxaa taladiisa si rasmi ah ula wareegay madaxwaynaha la doortay iyadoo loo doortay hoggaamiyaha bidixda-fog Jair Bolsonaro, kaasoo ku guulaystay doorashooyin la qabtay bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-ka, Mr. Bolsonaro, ayaa hore u ahaa hoggaamiye dhanka Militariga ah.

 

16-kii February sannakan 2019-ka dadka dalka Nigeria oo ah midka ugu dad iyo dhaqaaleba badan qaaradda Afrika, ayaa u dareeray doorashada madaxwaynenimada, iyadoo weli ay kooxaha mayalka adagna sii wadaan weerarrada, waxyaabaha aadka u hadheeyay doorashada Nigeria ayaa waxaa ugu waawaynaa caafimaadka madaxwayne Buhari kaasoo u taagnaa dibu doorasho kale.

 

24-kii February, sannadkan 2019-ka, dalka Cuba, jasiiradaha ku yaal waqooyiga Carabian-ka ayaa u dareeraray afti-dadwayne, kuwaasoo dadwaynaha dalkaasina ay u codaynayeen wax ka bedelidda nuqul dastuurka ku saabsan oo xalaalaynaya doorka suuqa xorta ah, kaas oo aad loogu cadaadiyay nidaamka Hanti-wadaagga, nuqulkaas, oo aakhirkii cod aqlabiyad ah lagu meelmariyay, waana markii ugu horraysay tan iyo sannadkii 1976-kii.

 

29-kii bishan March sannadkan 2019-ka boqortooyada Ingriiksa, ayaa iskaga baxday midowga reer Yurub kadib afartan sanno oo ay kamid ahayd, saqbadhkii magaalada Brusseles ee caasimadda midowga Yurub, UK waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee midnimada ka baxa, iyadoo xaalad siyaasadeed oo cakiran ka dhalisay dalkaas jasiiradda ah.

 

Bishii Abriil ee sannadkan 2019-ka, dalka Algeria, madaxwayne Cabdicasiis Bouteflika, oo ay da’diisu tahay 81-jir, ayaa doorashada mar shanaad rabay inuu isku soo taago inkasta oo uu caafimaad-xumo la daalaa dhacayay, balse shacabka ayaa kaga hortegay mudaharaaddo waawayn.

 

Bishii Abriil 30-keedii sannadkan 2019-ka, boqorkii dalka Japan Akihito, oo ay da’diisu ahayd 84 jir, ayaa is casilay, isagoo ku wareejiyay inanka ugu wayn innamadiisa, waa markii ugu horraysay muddo laba qarni ka badan ee uu Empror-ka Japan is casilo, kaasoo lagu tilmaamo qoyskoodana kuwa ugu taariikh dheer adduunka ee boqorro ah.

 

Bilihii April iyo May, ee sannadkan 2019-ka, dalka ugu dad-tiro badan adduunka ee Dimuquraaddi ah waa Hindiya e, ayaa u dareeray sanaaduqda cod-bixinta iyadoo uu majaraha u hayo raysal-wasaare Nerendara Modi, kaasoo kasoo jeeda xisbiga xagjirka ah ee BJP, kaasoo rabay inuu mar kale majaraha qabto.

 

Bishii May 23-keedii illaa 26-kii, doorashooyin laga qabtay qaaradda Yurub, ayaa lagu dooranayay baarlamaanka reer Yurub ee fadhigiisu yahay magaalada Strasbourg, kuwaasoo ay tiradoodu dhammayd 705, markii ay UK ka baxday.

Sannadkan 2019-ka madaxwaynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya, mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu magaalada Nairobi kaga qaybgalay shirka dadka adduunka lagaga hadlayay. 14-kii November sannadkan 2019-ka qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lag u yidhi sidan:

‘’Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.’’

Wasiirka arrimaha idbadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna faahfaahin ka bixiyay waxa ay ka wada hadleen labada madaxwayne iyo kulankii ay yeesheen, isagoo xusay in ka wada hadleen xidhiidhka labada dalk iyo labada umadood ee walaalaha ah, xidhiidhka labada dalna sidiisii loo celiyo, isagoo sheegay in diyaaradaha Muqdisho ka yimaadda ay toos Nairobi uga soo degi karaan iyadoo dadka Soomaaliyeedna ay Visaha ka qaadan karaan madaarrada marka ay soo degaan.

Wasiir Cawad, ayaa xusay in khilaafka dhinaca badda ee labada dal, aan marnaba laga soo saarayn maxkmadda ICJ, inkasta oo ay dad badani ku dhaliileen madaxwayne Farmaajo inaanu faahfaahin hagaagsan ka bixin kayska maxkamadda ICJ.

 

 

Geeska Afrika, sannadkan 2019-ku wuxuu ahaa mid indhihii adduunka kusoo jeedsay kadib markii abaalmarinta Nobel ee caalamiga ah uu ku guulaystay Dr. Abiy Axmed Cali, hoggaamiyaha dhallinta ah ee dalkaasi Itoobiya.

 

Qoraal ay bartooda Twitter-ka soo geliyeen guddida bixisa abaalmarinta Nobel ee caalamiga ah, kuwaas oo uu fadhigoodu yahay magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, ayaa waxay ku sheegeen in sababta Abiy loo guddoonsiiyay abaalmarintani tahay ka shaqaynta uu ka shaqeeyay nabadda iyo wada shaqaynta bulshada caalamka.

 

Abiy ayaa noqday guulaystihii 100 iyadoo ay abaalmarintan kula tartamayeen in kabadan 300 oo shakhsiyaad, haayado caalami ah iyo ururroba iskugu jiray.

 

Hoggaamiyahan ayaa dhameeyay dagaalkii ka dhexjiray Itoobiya iyo Eriteria oo ay ku naf waayeen boqollaal qof, xabsiyada kasii daayay boqollaal weriyayaal iyo maxaabis siyaasadeed iyo dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha.

 

 



Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga