Inta la xaqiijiyay 15 qof oo rakaab ahaa ayaa ku dhintay diyaarad Jimcaha maanta ku burburtay magaalo ku taala waddanka Kazakhistan.

Diyaaradan oo ay lahayd shirkad laga leeyahay gudaha waddanka Kazakhistan ayaa burburtay wax yar kadib markii ay duushay gegeda diyaaradaha ee magaalada Almaty.

Dadka badbaaday ayaa kasoo dhex baxay qiiq isku xidhay diyaaraddda, iyadoo in ka badan 60 qof oo caruuri ay ku jirtay loo qaaday cisbitaalada magaalada. Diyaarada ayaa kasoo kacday magaalada ugu wayn dalkan ku yaala badhtamaha qaaradda asia ee Almaty iyadoo kusii jeeday magaalada caasimadda ah ee nur sultan.

Wali lama oga sababta dhabta ah ee keentay shilka, balse wakaalada wararka Reuters oo goobjoog ahayd ayaa ku warantay in cimiladu aanay wanaagsanayn wakhtiga ay diyaaradu dhacday waxaana hawada isku xidhay ceeryaan iyo daruuro badan.

Dad gaadhaya 93 qof oo shan ka mid ahi ay ahaayeen shaqaalaha diyaaradda ayaa saarnaa diyaaradda, sida ay shegeen masuuliyiinta madaarka Almaty.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga