Gabadh lagu magacaabo Danielle Stela oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Maraykanka ayaa la saaray xanibaad dhanka baraha bulshada ah. Akoonka ay ku lahayd barteeda Twitterka ayaa hawada laga saaray iyadoo sidoo kale la masaxay qoraalo ay Facebook ku baahisay.

Gabadhan ayaa eedaymo aanay caddayn u haynin u gudbisay haweenayda lagasoo doorto gobolka Minnesota ee Ilhan Cumar, oo ay sheegtay in ay khiyaamaysay Maraykanka.

Stela waxay Ilhan Cumar kula tartamaysaa kursiga Koongareeska ee degmeda shanaad ee Minneapolis. Waxay soo jeedisay in la daldalo Ilhan Cumar, arintaas oo keentay in meesha laga saaro akoonkeeda Twitter.

Ilhan Cumar ayaa tan iyo markii ay xildhibaanada noqotay la kulmaysay aflagaadayn tiro badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga