Dhimashada ayaa gaadhay 18 kadib markii la helay maydad kale oo ka hadhay doon todobaadkii lasoo dhaafay ku dhacday xeebaha jasiiradda Lampedusa ee waddanka Talyaaniga.

Doonta oo kasoo shiraacatay dhanka waddanka Libya ayay lasoo darseen cimilo-xumo kadibna dadkii saarnaa ayay qaarkood ku qaraqmeen.

Waxa saarnaa illaa 170 qof oo muhaajiriin ah isla markaana kasoo kala jeeda wadamo kala duwan. Waxa la badbaadiyay 147 ka mid ah.

Maamulka jasiiradda Lampedusa ayaa kuĀ  baaqay in lagala qayb qaato hawlaha samato-bixinta oo ay kali ku noqdeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga