Ugu yaaran hal qof oo shacab ah ayaa dhintay labo kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay kadib markii ciidamada ammaanka iyo dad shacab ah oo banaanbaxyo dhigayay ay iska hor yimaadeen degmada Buulo Burte ee goblka Hiraan.

Wararka aanu la helayno war-tabiyayaashayada ku sugan deegaanka ayaa tilmaamaya in dadka banaanbaxayada dhigayaa ay kasoo horjeedaan wafdi u horkacayo wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle oo halkaas la filyo inu gaadho.

Dhanka kale, wafdiga waxaa qeyb ka ah gudoomiyaha cusub ee degmada Buulo Burte , haseyeeshee dadka degaanka ayaa aad uga soo horjeedo maamulka cusub ee halkaasa loo magcaabay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga