Guddida Fulinta iyo Xoghayayaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay xarunta xisbigaasi ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wadahadlay arrimo kala duwan, iyadoo uu ka qaybgalay Musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal lagu faafiyey bogga facebook-ga ee xisbiga WADDANI, kaas oo u qornaa sidan; “Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Shirkan oo uu guddoomiyanayay Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac waxaa lagu lafo guray xaaladda guud ee Somaliland.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xubnaha Guddida Fulinta, Xoghayeyaasha, Xildhibaannada iyo masuuliyiinta shirka ka qaybgalay warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, wadajirka bulshada iyo doorashooyinka, waxaanu madaxda xisbiga ku wargeliyey in si buuxda loola jaan qaado jidka doorasho ee dalku qaaday.

Masuuliyiinta xisbiga iyo xildhibaannada xisbiga ee Baarlamaanka qaarkood ayaa kulanka ka soo jeediyay warbixino iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan qorshaha xisbigu ku wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo midnimada bulshada reer Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga