Qarax xoogan ayaa maanta ka dhacay barxadda hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Turkiga, kaas oo sababay inay ku dhaawacmaan laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada boolisku.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Ali Yerlikaya ayaa sheegay in qaraxan ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Ankara, gaar ahaan agagaarka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ay fuliyeen laba qof oo naftooda hurayaal ah, iyadoo mid ka mid ahi uu is qarxiyey, halka kii labaadna ay ciidamadu toogteen.

Sida ay dawladda Turkigu sheegtay labadan qof ee naftooda haligayaasha ahaa ayaa watay baabuur ay doonayeen inay weerarkaasi ku fuliyaan, kaas oo ay ka soo afduubteen magaalada Kayseri oo qiyaas ahaan 260 km dhina koonfur bari ka xigta caasimadda Ankara, iyagoo dilay dirawalkii watay baabuurkan ay soo afduubeen.

Waxayna gaadhigan ay wateen soo joojiyeen meel u dhaw xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga, iyadoo mid ka mid ah uu ka soo degay, kadibna uu is qarxiyey, halka ninkii kale ee la socdayna ay ciidamadu dileen isagoo aan wax tallaabo ah qaadin, waxaanna qaraxaasi iyo falfaliidhkii ka dhashay ku dhaawacmay laba sarkaal oo ka mid ah ciidamada booliska, kuwaas oo la sheegay in aanay xaaladoodu aad u sii liidan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xili la adkeeyey ammaanka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dhismaha xarunta Baarlamanka Turkiga oo aad isugu dhaw, halkaasi uu maanta ka furmay fadhiga baarlamanka oo muddo fasax ku jiray, iyadoo  furitaanka Kal-fadhiga baarlamankana uu ka qaybgelay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Hadal uu Madaxweyne Erdogan ka jeediyey furitaankii Baarlamanka ayuu kaga hadlay qaraxa ka dhacay caasimadda dalkiisa, isagoo sheegay in weerarkaasi ahaa mid argagixiso, waxaannu xusay in cidda weerarka fulisay iyo kooxaha kale ee argagixisada ahiba aanay weligood ku guulaysan doonin yoolkooda ah inay dhibaateeyaan Turkiga, isla markaana ay Khalkhal geliyaan nabadda iyo xasiloonida muwaadiniinta ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.

Geesta kale, Midawga Yurub iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah ee qaaradda Yurub ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkaasi maanta ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, iyadoo sidoo kale ay weerarkaasi cambaareeyeen dawladaha Sucuudiga, Albaaniya iyo Kosovo, kuwaas oo tilmaamay in weerarkaasi ahaa mid argagixiso oo loogu talogalay in lagu waxyeeleeyo dad aan waxba galabsan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka dhaca caasimadda Turkiga ee Ankara tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2016, iyadoo weerarkaasi bishii March ee sannadkaasi ka dhacay Ankara ay ku dhinteen 37 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga