Wadamada Maraykanka iyo Turkiga ayaa ku mruansan dagaalo ay hore u gashay dawladdii Cusmaaniyiinta ee fadhigeedu ahaa dalka Turkiga kana arimin jirtay in badan oo ka mid ah dhulka ay dagaan muslimiinta dunidu.

Joe Biden, madaxweynaha Maraykanka ayaa si rasmi ah wuxuu dagaalkii ka dhacay Amrmeeniya ugu aqoonsaday xasuuq, kaas oo ay fulisay dawladdaii Cusmaaniyiintu.

Waa talaabo ay si adag uga cadhootay xukuumada Ankara oo iyadu isu aragta in ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka burburtay.

Dagaalka Armeeniya ayaa dhacay wakhtigii dagaalkii koobaad ee dunida, waxaana lagu dilay dad badan oo Armiiniyiin ah.

Biden ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah una aqoonsada dagaalkii Armeeniya xasuuq. Waxa la dilay in ka abdan 1.5 milyan oqf sanadkii 1915.

Dawladda Turkiga ayaa iyadu waxay warka Maraykanka ku tilmaantay mid aan sal iyo aad lahayn. War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in arinta Armeeniya aanay ahayn mid laga been abuuri karo, cid Turkiga diidanina aanay waxba ku kordhin karin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga