Iraan ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu adeegsanayo habab laga daalay oo uu rabo inuu ku magac dilo marka la joogo masraxa adduunka.

Eedaynta ay Iiraan usoo jeedisay Maraykanka, ayaa imanaysa kadib markii warbaahinta Maraykanku sheeegeen inay Iiraan waddo aargoosasho ay ku damacsan tahay inay ku khaarajiso diblumaasi sare oo Maraykan ah kaasi oo ay rabto inay ugu aargudidda hoggaamiyihii uu Maraykanku dilay ee reer Iiraan Qaasim Sulaymaani.

‘’Waxaannu kula talinay masuuliyiinta Maraykanka inay joojiyaan hababka laga daalay ee Iraan ka dhanka ah, taasi oo ay ka sheegaan fagaareyaasha caalamiga ah’’ ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraaniyiintu.

Wargeeska Politico ayaa daabacay 13 bishan September, in masuul sare oo Maraykanka kaasi oo aan la shaacin magaciisu uu sheegay in Iiraan ay damacsan tahay khaarajinta Lana Marks oo ah ergayga Maraykanka u qaabilsan dalka Koonfurta Afrika.

Diblumaasi reer Iraan ah, ayaa waxaa uu ku eedeeyay maamulka madaxwayne Trump inuu u dhaqmayo sidii maamul bilaa mab’da ah iyo fallaago kaasi oo abaabulay buu yidhi tobannaan shirqoollo khaarajin ah isla markaana faragelin ku haya arrimaha gudaha dalalka kale.

Iiraan waxay ku tilmaamtay dilkii loo gaystay sarkaalkii sare ee katirsanaa ciidamadeeda, inuu ahaa fal argagixin ahaa oo sharci darro ku ahaa sharciga caalamiga ah.

Iiraan ayaa gantaallo ku weerartay 8 bishii January gantaallo laba saldhig oo martigeliya ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe oo ku yaalla dalka Ciraaq

Weerarradaasi ay iiraan qaadday may gaysan wax khasaare nafeed ah, balse taliska ciidamada Maraykanka Pentagon-ka ayaa sheegay in 110 askari oo Maraykan ah mar dambe laga helay dhaawacyo maskaxkeed oo soo gaadhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga