Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu khadka dhanka telefanka kula hadlay raysal-wasaaraha dalka Suudaan Dr. Cabdallah Xamduuk sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya.
Madaxwayne Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay raysal-wasaaraha Suudaan iyo shacabka dalkaasi, dhibaatada fatahaadaha ah ee ku habsaday dalkaasi isagoo sidoo kale u caddeeyay inay Soomaaliya garab taagan tahay dawladda iyo shacabka reer Suudaan.
Ra’iisal Wasaaraha Suudaan, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo tillaabadii Golaha Wasiiradda Soomaaliya uga dhaafeen dadka reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya khidmadaha socdaalka iyo ganaaxyada sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya oo uu soo xiganayo Saab TV.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.