Cimilada adduunka ee is bedelaysa ayaa hadhaysay ololaha doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykanka, iyadoo murashixiintu ay isku dayayaan in ay hantaan kalsoonida shacabka si ay u helaan aqlabiyadda codadka.

Maalintii Isniinta ayay labada murashaxa waa madaxweyne Donald Trump iyo Joe Biden murashaxa dimuqraadigu ay isku weerareen arimaha cimilada.

Madaxweyne Trump ayaa lagu canaantay dabka ka kacay kaymaha gobolada California, Oregon illaa Washington. Balse madaxweynahan 74 jirka ah ayaa sheegay in maamul xumo ka jirta maaraynta kaymuhu ay keeneen dababka soo noqnoqday ee goboladaas. Cimilada oo qaboobi doonta ayuu xusay in ay xaaladda bedeli doonto.

Dhankiisa Joe Biden wuxuu Trump ku eedeeyay in uu iska indho tirayo dhibaato wayn oo Maraykanku uu wajahayo. Wuxuu ku tilmaamay Trump mid dab sudhaya cimilada dunida.

“Hadii aydun afar sanno oo danbe siisaan nin cimilada gubaya, muxuu qofna ula yaabayaa hadii aynu aragno Ameerika ee ololaysa”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga