86 sanno kadib waa salaadii ugu horaysay ee masaajidkan qadiimka ah lagu tukado. Masaajidka Hagia Sophia ee ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta boqolaal muslimiin ahi ay ku oogeen salaadii Jimcaha.

 

Xukuumadda madaxweyne Erdogan ayaa horaanta bishan masaajidkan dib usoo celisay kadib tobanaan sanno oo madxaf uu ahaa.

Muslimiinta Turkiga ayay u ahayd maalin kale oo muhiim u ah, kadib markii sharci darro ay maxkamadda sare ee Turkigu ay ku tilmaamntay markii masaajidkan loo bedelayay madxafka sanadkii 1930-kii. Aasaasihhii Turkiga cusub ayaa madxad u bedelay masaajidka oo dawladdii Cusmaaniyiintu ay dib u habayn ku samaysay.

Madaxweyne Erdogan iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada ayaa muslimiinta Turkiga kala qayb galay salaada maanta ee masaajidka Hagia Sophia.

Dunida Galbeedka iyo hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay oo dhismaha masaajidka u aqoonsan mid ka mid ah dhaxalka dunida ayaa labaduba cambaareeyay tallaabada madaxweyne Erdogan uu masaajidka kaga dhigay dhismahan, balse Erdogan ayaan dheg u dhigin isagoo hanaan sharci ah u maray.

1,500 oo sanno ayuu imika jiraa dhismaha masaajidkani, waxaana sanad walba yimaada malaayiin dad ah oo farshaxanka qadiimka ah ee gidaarada dhismaha iyo aasaarta kale ee halkan yaala usoo dalxiis taga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga