Shiinaha ayaa xidhay qunsuliyad uu Marykanku ku leeyahay magaalada Chengdu ee dhacda koonfur galbeed dalka Shiinaha. Waa tallaabo kale oo qayb ka ah xiisadda kacsan ee labada waddan ee Shiinaha iyo Maraykanka u dhaxaysa.

Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in talaabada ay qaaday ay jawaab u tahay xidhitaankii Maraykanku uu ku sameeyay qunsuliyadda uu Shiinuhu ku lahaa magaalada Houstun ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Shiinaha ayaa tibaaxay in ay sharci tahay xidhitaanka uu ku sameeyay qunsuliyadda Maraykanka.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa hore u xusay in qunsuliyadda Shiinaha ay u xidheen maadama Shiinuhu uu xadayo xuquuqda afkaarta iyo hal-abuurka.

Shiinaha iyo Maraykanka ayaa isku haya arimo badan oo ganacsiga, siyaasadda iyo caafimaadkuba uu ku jiro.

Maraykanka ayaa diidan saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa, taas oo marka laga tago wadamada kale, gudaha Maraykanka dhinacyo kala duwan taabayanaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga