Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda dalka Maraykanka, ayaa laga saaray biyaha lagu mursan ee badda koonfurta Shiinaha, kadib markii ciidamada badda ee Shiinuhu hawlgeliyeen diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka, iyagoo ku eedeeyay falal daandaansi.

Markabka layidhaa USS Barry oo haga gantaalaha, ayaa laga saaray biyaha lagu muransan yahay kadib markii uu aad ugu soo dhawaaday jasiiradda kutaal halkaas ee layidhaa Xisha maalintii Salaasada, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada Shiinuhu.

Jariiradda layidhaa Global Times, ayaa waxay ku sheegtay in markabkan gantaalaha haga ee Maraykanku leeyahay, uu kusoo xadgudbay biyaha Shiinaha, taas oo ay Global Times ku sheegtay tii ugu horraysay nooceeda ee ay ku kacaan ciidamada badda Maraykanku.

Mar hore ayuu markabkan dagaal ee Maraykanku leeyahay kusoo dhawaaday gacanka Taiwan, kaas oo uu si dhow ula socday dhaqdhaqaaqiisa markab diyaaradaha xambaara oo Chinese-ku leeyihiin.

Xurgufta ka dhaxaysa labada dal, ayaa sare u kacday maalmihii ugu dambeeyay, kadib markii madaxwaynaha Maraykanku sheegay in uu magdhow waydiisan doono Shiinaa, taasi oo la xidhiidha xanuunka Coronavirus, inkasta oo uu Shiinuhu si wayn uga cadhooday hadallo uu ku tilmaamay kuwo aan loo meel dayin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga