Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus caalamka oo idil, ayaa kor u dhaaftay 3,132,363 qof, tirada dadka ka bogsaday ayaa maraysa 938,000 oo qof caalamka oo dhan.

In kabadan 217, 947 qof, ayaa u geeryooday Covid-19 adduunyada oo dhan.

Jarmalku wuxuu saadaalinayaa hoos u dhaca wayn oo xanuunka Coronavirus ah, halka dalalka Brazil, Pakistan iyo Hindiya, ay diiwaangeliyeen dhimashadii ugu badnayd maalin keliya.

Shirkadda Etihad ee duulimaadyada oo ah midda labaad ee ugu wayn dalka Imaaraadka Carabta, ayaa dib u dhigtay bilowga duulimaadyadii rakaabka illaa bisha June 16.

Shirkadda samaynta diyaaradaha ee Boeing, ayaa dhimaysa shaqaalaha iyo soosaarka diyaaradaha, iyadoo hore u khasaartay 641 Milyan oo Dollar Corona-aha dartii.

Shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo soo saarta dawooyinka iyo tallaalada, ayaa bilowday tallaalka Coronavirus, halka dhimashada maalin laha ah ee dalka SpainĀ  xanuunka Corona ay yara korodhay.

Turkey-ga, ayaa kordhiyay muddada ay dugsiyadu sii xidhnaan doonaan illaa dhammaadka bisha May.

Tirikoobyadan Coronavirus oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo is bedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga