Tirada dadka laga helay xanuun-sidaha Covid-19 ee dalka Maraykanka ayaa kor u dhaaftay 1million oo qof, sida ay tilmaamayso xog-ururinti ugu danbaysay ee jaamacadda Jons Hopkins.

Saddex million oo qof ayay gaadheen tirada guud ee dadka xanuunka laga helay dunida oo dhan.

In ka badan 58 kun oo qof ayaa u dhintay xanuunka, gudaha Maraykanka. Waa tiro ka badan tanb uu Maraykanku ku waayay dagaalkii Vietnam intii u dhaxaysay sanadihii 1955-1979.

Madaxweyne Donald Trump ayaa amray warshadaha farsameeya hilibku in ay furnaadaan. Warshadaahan ayay muran badani ka taaganyihiin, dadka qaar ayaana qaba in ay noqon karaan xudun kale oo xanuunku uu ka faafo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga