Markab kuwa xamuulka qaada ah oo ay saaran yihiin dad tiradoodu dhan tahay 3,500 oo qof ayaa ku sugan xeebta gobolka California ee dalka Maryakanka halkaas oo uu ku mari doono baadhitaanno la xidhiidha cudurka Coronavirus, baadhitaannada ayaa illaa hadda lagu fuliyay illaa tobaneeyo qof.

Qof kamid ahaa rakaabka saaran Markabkan, ayaa u dhintey cudurkan halka afar qof oo kalena la sheegay inuu cudurku ku dhacay gudaha Markabnka layidhaa Princess Grand.

 Diyaarad nooceedu yahay kuwa qumaatiga u kaca oo uu leeyahay Militariga Maraykanku ayaa dejinaysa qalabka tijaabada ee lagu ogaanayo qofka cudurka qaba iyo midka aan qabin kadib markii markabku kusoo dhawaaday meel u dhow magaalada San Francisco.

 Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay inay diiwaangelisay ku dhawaad ​​200 oo kiis oo uu soo ritay cudurkan Corona, iyadoo uu socdo halganka caalamiga ah ee ka dhanka ah virus-ku.

In ka badan 92,000 oo kiis, ayaa laga diiwaangeliyey adduunka oo dhan, iyadoo 80,552 laga helay Shiinaha, oo ahayd barta uu fayrasku asal ahaan ka soo jeedo. 

Shiinaha ayaa sidoo kale ah barta ugu badan ee ay  ku dhinteen tirada ugu badan ee dhimashada, tiradaas oo lagu sheegay inay sii cagacaganayso ilaa 3,042.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga