Wararka ka imanaya deegaanka Aw-dheegle oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in qarax lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen qaar kamid ah ciidanka dawladda Soomalaiya, kuwaas oo Marayay meel u dhow degmada Awdheegle.

Qaraxan, ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa ku naf waayay hal askari, halka uu dhaawac kasoo gaadhay afar kale oo katirsan ciidanka, iyadoo sida ay wararku sheegayaanna dhaawaca loo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wararka, ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa miino dhulka la geliyay, kaasoo haleelay mar ay ciidanku kusoo jeedeen degmada Aw-dheegle.

Ciidamada dawladda Soomaaliya, ayaa maalimihii ugu dambeeyay halkaa ka waday hawl-gallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, wararka, ayaa sheegaya in xildhibaanno katirsan kuwa dawladda Soomaaliya ay ku sugnaayeen halkaa, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dhiirrigelinta ciidanka.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga