Ugu yaraan 27 qof ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay weerareen xaflad ka dhacday caasimada Afghanistan halkaas oo uu ku sugnaa hogaamiyaha ugu sareeya ee siyaasada Afghanistan, Cabdallah Cabdallah,  Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka badbaaday Cabdallah Cabdallah.

Tirada dhimashada ayaa kordhay iyadoo xafladda la qabtay maalintii Jimcihii taasoo lagu xusayay sanadguurada mid kamid ah hogaamiye kooxeed qolyaha laga tirada badan yahay ah, taasoo wararka qaar sheegayanba inay kor u dhaaftay 27 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.

 

 Weerarkan, ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay heshiiska  nabadeed kala saxeexdeen todobaadkii hore Maraykanka iyo Daalibaan. 

Madaxwaynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani, ayaa dhaleeceeyay weerarkan, isagoo ku tilmaamay ‘’Dambi ka dhan ah aadanaha’’

Kooxda Taliban ayaa iska fogaysay weerarkan, iyadoo mas’uuliyadda weerarkan.

Dhowr qof ayaa lagu dilay weerar kan la mid ah isla xuskan sannadkii hore iyadoo kooxdii sheegatay masuuliyadda weerarkanina ay ahayd kooxda Kooxda ISIS.

Kooxda laga tirada badan yahay ee xafladdooda ay ku xusayeen hoggaamiyahoodii ayaa layidhaa Hazaras, kuwaas oo ah Shiicada laga tirada badan yahay ee reer Afghanistaan.

 

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga