Marin-biyoodka mashquulka badan ee Suways ayaa la furay kadib markab ku dhex ciladoobay maalmo ka hor, kaas oo keenay in marinku uu xidhmo maadaama uu waynaa baaxadda markabku, marinkuna uu cidhiidhi yahay.

Maamulka marin-biyoodka Suways ayaa warbaahinta u sheegay in 80% markabka laga saaray marinka uu sida gudubka ah u dhex fadhiistay, isla markaana la dhammaystirayo inta hadhay.

Waa markabka Ever Given oo dhererkiisu yahay 400m. Wuxuu xambaari karaa 200k tonne. Dabaylo iyo siigo is wata ayaa khal khalilayay oo gacanta ka saaray. 

Adduun lagu qiyaasay $10bn ayaa xanibmay maalmaha kooba ee uu xidhnaa marin-biyoodka Suways.

367 markab ayaa imika u taagan in ay labada dhinac u kala gudbaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga