Xisbiga ugu wayn mucaaridka Somaliland ee Waddani ayaa maanta shir ku qabsanaya magaalada Hargeysa.

Shirka xisbiga ayaa ah Shirka Golaha Dhexe waana shirkii 3-aad ee Golaha Dhexe ee xisbigaasi uu yeesho mudadii uu  jiray oo ah 10 sanno.

Xisbiga Waddani waxa la filayay in uu qabsado shirweynaha guud ee xisbiga balse waxay mar kale qabteen shirka Golaha Dhexe. Bisha lixaad ayaa hore loo qorsheeyay in uu dhaco shirweynaha xisbigu kaas oo xisbiga mar kale dib-u-habayn loogu samayn lahaa.

Shirkan golaha dhexe ee xisbiga waxa lagu dooran doonaa murashaxiinta xisbiga ee doorashada sanadka 2022, iyadoo aan wax is-bedel ah lagu samaynahayn sida uu u dhisanyahay xisbigu, waxaana is-bedelada waawayn la sameeyaa shirweynaha guud.

Waddani waxa la siiyay ruqsadda xisbinimada sanadkii 2012, markaas oo uu kasoo gudbay ururnimada isla markaana noqday xisbi buuxa wuxuuna ka mid noqday saddexda xisbi ee dastuurka Somaliland uu qorayo. Xisbiga ayaa noqday kan labaad ee ugu codka badnaa doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2017, markaas oo murashax uu ahaa Cabdiraxaan Cirro, murashaxa imikana mar kale u taagan doorashada madaxtinimada ee sanadka 2022.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga