Madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay la shiraan raysalwasaaraha xukuumadda federaalka, Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa ka qabsoomaya hotel ku dhex yaala gegeda diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana lagaga hadlayaa arimaha is-mariwaaga doorashooyinka iyo kulanka la filayo in uu dhex maro xukuumadda federaalka iyo maamul goboleedyada oo maalinta berri ah furmaya.

Jubaland iyo Puntland ayaa diidan sida ay wax u wado dawladda dhexe, iyadoo Beesha Caalamku rabta in doorasho si degdeg ah loo qato arimaha khilaafkana laga heshiiyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga