Maraykanka ayaa markii ugu horaysay qaaday tallaabooyin ka dhan ah madaxda dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya kadib dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya oo lagasoo sheegay tacadiyo ula kac ah oo ay gaysteen ciidamada labada waddan oo dagaalka si toos ah qayb uga ahaa.

Anthony Blinken, xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegay in aanay labada dawladood ee Itoobiya iyo Ereteriya qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo ay kula tacaalayaan ama wax kaga qabanayaan wixii ka dhacay gobolka Tigrayga ee Itoobiya.

Xukuumadda Washington waxay dib u qiimaynaysaa taageerada dhaqaalaha iyo ammaanka ee ay siiso Itoobiya, sida lagu sheegay warka wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka. Balse waxay sii wadi doonaan taageerada bini aadamtinimo ee caafimaadka, waxbarashada, iyo cunadu ay ka mid yihiin.

Anthony Blinken wuxuu war uu soo saaray ku sheegay in adaxda ka danbaysay dagaalka iyo kuwa is hor taagay deeqaha gaadhi lahaa gobolka oo ciidamadu ay ku jiraan ay si gaar ah ula xisaabtai doonaan.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay gobolkan iyadoo boqolaal kun oo kalana lagu khasbay in ay ka qaxaan guryahooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga