Midawga Afrika wuxuu ka walaacsanyahay go’aankii ay dawladda Soomaaliya ku diiday ergeygii gaarka ahaa ee gudoomiyaha Midawga Afrika uu usoo magacaabay arimaha khilaafaadka doorashooyinka ee Soomaaliya.

Musa Faki Maxamed ayaa madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama, wuxuu u xil saaray in uu dhex dhexaadiyo Soomaalida isku haysa doorashooyinka federaalka ee Soomaaliya, balse xukuumadda Farmaajo ayaa diiday ergeygaas oo ay eedaymo u jeedisay. Soomaaliya waxay ku eedaysay in uu Mahama xidhiidh dhow la leeyahay dhinacyo khatar ku ah arimaha gudaha ee Soomaaliya;

Golaha Amniga ee Midawga Afrika ayaa gudoomiyaha Midawga Musa Faki waxay ku cadaadiyeen in uu Soomaaliya wada hadal kala galo arintan ergeyga, iyo sababaha ay u diideen Mahama oo ah shakhsi jago saraysa loo magacaabay isagun ahaa nin miisaan culus oo Ghana madaxweyne kasoo noqday.

Warqad ay Golaha Amniga Midawga Afrika qoreen ayaa lagu sheegay in hogaanka Midawgu ay Soomaaliya la xaajoodaan, sila markaana soo go’aamiyaan wada shaqaynta siyaasadeed ee ay la yeelayaan Soomaaliya maadaama ay diiday ergeygooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga