Gudaha Congo waxa qaxay kumanaan qof kadib markii ay noloshooda halis galisay fulkaano ka qarxay deegaan buuralay bariga Cogo ee badhtamaha qaaradda Afrika.

Maamulka magaalada bari ee Goma ayaa ugu baaqay shacabka magaalada deggen in ay ka baxaan guryahooda kadib holaca kasoo baxaya folkaanada oo laga cabsi qabay in uu gaadho.

Fulkaanaha ayaa ka qarxay buurta Nyiragongo iyadoo walaxda dareeraha holaca ah ee lava loo yaqaano ee fulkaanayaasha ka dhalataa ay ku dareertay deegaano ay dad shacab ahi degenyihiin, taas oo sababtay bara akca kumanaan qof oo u qaxay meel u dhaw xadka Rwanda.

Walaxda holaca ah ee lava ee dareeraha ahayd ayaa goor danbe ku istaagtay nawaaxiga magaalada Goma, kadib deegaano badan oo ay soo martay, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.

Waa mid ka mid ah fulkaanayaasha ugu halista abdan dunida ee weli jira kan buurta Nyiragongo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga