ubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir albaabadu u xidhan yihiin shalay ka yeeshay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo dagaalyahannada Ururka Xamaas ayaa ku guul-daraystay inay isku raacaan qaabka looga jawaabayo dagaalkaasi iyo in la soo saaro fariin isku mid ah oo ay ku wada saxeexan yihiin dhammaanba 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanku.

Shirkan Golaha Ammaanka oo socday muddo saacad iyo badh ah, waxa ugu horayn warbixin lagaga dhegaystay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Tor Wennesland, kaas oo ka warbixiyey xaaladihii u dambeeyey ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Dawladda Maraykanka oo ka mid ah dalalka sida weyn xulafada ula ah Israa’iil ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ku cadaadinayey inay si wada-jir ah u cambaareeyaan Ururka Xamaas oo dagaal lama filaan ah ku qaaday Israa’iil, iyadoo Maraykanku xoogga saarayo cambaaraynta Xamaas oo qudha, halka sidoo kale uu doonayo in Golaha Ammaanku soo saaraan qaraar ah in Israa’iil ay xaq u leedahay inay isdifaacdo.

Hasayeeshee, inta badan xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay ugu waaweyn yihiin Ruushka iyo Shiinuhu ayaa ka soo horjeedsaday qorshaha Maraykanka ee la xidhiidha cambaaraynta Ururka Xamaas, waxayna taas beddelkeeda soo jeediyeen in Golaha Ammaanku ka hadlo sidii xal looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka muddooyinka dheer soo jiray ee sababay weerarka ay dagaalyahannada Ururka Xamaas ku qaadeen Israa’iil.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ka soo horjeeda hindisaha uu Maraykanku wato ayaa ku dooday in aan xiligan la joogin waqti la isku hawlo xambaaraynta Ururka Xamaas, balse ay waajib tahay in laga hadlo sidii xal looga gaadhi lahaa waxyaabaha xudunta u ah dhibaatooyinka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Vassily Nebenzia oo markii shirku dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in fariintiisu tahay sidii degdeg loogu joojin lahaa dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, loona hirgelin lahaa xabbad-joojin, kadibna loo bilaabi lahaa wadaxaajoodyo macno leh oo xal lagaga gaadho dhibaatooyinka jira oo dhan.

Dawladda Imaaraadka Carabta oo xidhiidh la samaysatay Israa’iil sannadkii 2020, kana mid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la qaban doono shirar kale oo dheeraad ah oo Golaha Ammaanku kaga hadlayo dhibaatooyinka ka taagan Marinka Qasa ee  dalka Falastiin.

Safiirka Dalka Imaaraadka Carabta u jooga Qaramada Midoobay Ambassador Lana Zaki Nusseibeh ayaa sheegtay in dhammaanba xubnaha Golaha Ammaanku ay hadda fahamsan yihiin in xaaladdu tahay mid murugo badan leh, waxayna tilmaantay in sidoo kale xubno badan oo Golaha Ammaanka ka tirsani ay rumaysan yihiin in dhibaatooyinka lagu xalin karo heshiisyo siyaasadeed oo horseed u noqda in Falastiin iyo Israa’iil ay kala noqdaan laba dal oo kala madaxbanaan, taas oo ay xustay inay xuddun u tahay dhibaatooyinka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Fashilkan ku yimid in Golaha Ammaanku xambaareeyo Ururka Xamaas ayaa weji-gabax iyo dhirbaaxo diblomaasiyadeed ku ah Maraykanka iyo dalalka kale ee xulafada la ah Israa’iil ee doonayey in Golaha Ammaanku soo saaro qaraar ka dhan ah Ururka Xamaas, waxayna guul siyaasadeed u tahay dagaalyahannada Xamaas iyo dadweynaha Falastiin oo doonaya in Israa’iil laga saaro dhulka Falastiin, lana helo dawlad iyo dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo xor ah.

Shirkan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee natiijo la’aanta ku dhamaaday ayaa ku soo beegmaya xili ay sare u sii kacayso dhimashada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo ay dhimashada dhinaca Israa’iil ay ka badan tahay 900 oo qof, iyadoo warbixinaha soo baxayana ay qaarkood sheegayaan in ilaa kun qof oo Israaiiliyiin ahi ku dhinteen dagaalka Xamaas, halka dhaawacuna ku dhaw yahay ilaa 3 kun oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga