Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa fadhigoodii maanta ee ay ku yeesheen Magaaalda Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen hinse-sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo xeer-nidaamiyaha xuquuqda bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay fadhigaas Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo u qornaa sidan; “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xidhiidha amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaadhayaan dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab,” ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga