Maraykanka ayaa markii ugu horaysay lagu wadaa in uu shaaciyo liis ay ku jiraan siyaasiyiin uu aaminsanyahay in ay wadaan qaska siyaasadeed iyo doorashooyinka aan qabsoomin ee dalka Soomaaliya.

Kadib muddo uu qiimayn waday Maraykanku isla markaana soo saarayay digiino ku aadan muddo korodhsi iyo khilaaf sii dheeraada, waxa markan Washington la gaynayaa magacyada siyaasyiin la sheegayo i doorashadu ay ka socon la’dahay.

Danjiraha xafiiska banayaya ee dalka Maraykanka, Donlad Yamamoto, ayaa u safraya magaalada Washington ee dalka Maraykanka, halakas oo uu kula kulmayo saraakiisha ugu saraysa waaxda uu ka tirsanyaay ee arimaha dibadda dalka Maraykanka.

Yamamoto ayaa dawladiisa ug awarbxinaya xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya, isagoo siin doona magacyada siyaasiyiinta ay u arkaan in ay doorashada Soomaaliya caqabad hor leh ku yihiin.

Larry Edward André ayaa dhawaan badali doona danjire Donald Yamamoto isagoo noqoaya safiirka cusub ee dawladda Maraykanka u fadhiyi doona Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga