Suuriya waxay sheegtay in ay qabatay madaafiic ay kusoo gantay Israel, kadib weeraro is xig xigay oo Tel Aviv ay ku qaaday gudaha dalka Suuriya.

Ciidamada cirka ee Suuriya ayaa tibaaxay in ay hawada ku qabteen gantaalada Israel, halka kuso kalena ay ku dhaceen bar tilmaameedyo kale.

Deegaanada la beegsaday ayaa dhaca waqooyi galbeed dalka Suuriya, meel aan ka fogayn dekedda Latakiya ee kulaalaysa xeerabaha Miditerranean-ka.

Arbacada maanta ayay Israel weerarada qaaday, iyadoo duqaymo ka gaysatay magaalooyinka Hifa iyo Masyaf.

Xukuumadda Dimishiq dhankeeda kamay hadal khasaaraha balse telefishanka dawladda ayaa ku waramay in duqaymaha qaar ay ku dhaceen warshad caaga farsamaysa oo shacab ay leeyihiin.

Milatariga Israel weli kamay hadal weeraradan ay ku qaaday Suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga