Xukuumadda Abiy Axmed waxay bedeshay sarkaal hore madax uga dhigtay gobolka Tigryga kadib dagaalo ay si khasab ah ugula wareegtay gaacan ku haynta gobolkan oo dhaca waqooyiga dalka Itoobiya, meel kulaalaysa xadka Ereteriya.

Mulu Nega ayaa xilkan loo magacaabay isagoo ka socda xukuumadda federaalka ee Itoobiya, si uu maamulka gobolka u ayo.

Bishi November ee sanadkii hore ayaa loo magacaabay jagadan, markaas oo Abiy Axmed uu guul ka sheegtay dagaalka Tigrayga isla markaana xusay in uu soo afjaray hawlgalka gobolka uu ka waday. Wuxuu ahaa maamul ku meel agadh ah.

Waxa lagu bedelayaa Abraham Beley oo ahaa wasiirka ikhtiraaca federaalka ee Itoobiya, sida uu sheegay xafiiska raysalwasaaruhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga