Maraykanka ayaa isku dayay in uu qabto 4 markab oo ay leedahay dawladda Iran, kuwaas oo ah nuuca saliida xambaara.

Xeer ilaalinta Maraykanka ayaa dalbatay in gacanta lagu dhigo maraakiibta Iran oo imika kusii jeeda dalka Venizuela oo isagana ay cunaqabatayn saartay dawladda Maraykanku. Labada waddan ee Iran iyo Venizuela waxa saaran cunaqabataynta Maraykanka, waxayna iska bahaysteen Maraykanka iyagoo aan dheg jalaq aan u siinin cunaqabataynta.

Maraakiibta ayaa sida petrol Iran laga keenay, waxaana la rejaynayaa in ay ku xidhaan dekeedaha dalka ku yaala Koonfurta Ameerika ee Venizuela.

Xeer ilaalinta Maraykanka ayaa ku andacoonaysa in petrolka uu qayb ku leeyahay nin ganacsade ah oo hore Maraykanku uu argagixiso ugu eedeeyay.

Dawladda Iran wali kamay hadal damaca Maraykanka ee ku aadan in uu qabto maraakiibteeda saliida.

Xukuumadda madaxweyne Donald Trump ayaa cunaqabatyno dhaqaale kusoo rogtay Iran, iyadoo hore uag baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay xukuumaddii madaxweyne Obama.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga