Nrendra Modi, raysalwasaaraha India wuxuu booqsho ku tegay deegaanka Ladakh oo ay isku fara saareen ciidamada dalkiisa iyo kuwa Shiinaha, halkaas oo askar lagaga laayay India bishii hore.

Jimcaha maanta ayuu Modi ka degay deegaanka oo buuraha Himilaya dhaca, wuxuuna la kulmay saraakiisha ciidan ku sugnaa xero ku taala deegaanka. Waxa wehelinayay wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha guud ee ciidamada India.

Labada waddan ee jaarka ah awoodana ku leh qaaradda Asia, waa Shiinaha iyo India e, waxay isku eedeeyeen iska hor imaado badhtamaha bishii hore ka dhacay dooxada Galwan ee buuraha Himilaya, halkaas 20 askari India lagaga dilay halka 56 kalana lagu dhaawacay.

Shiinuhu dhankiisa muu sheegin in wax khasaare ahi ay soo gaadheen ciidamadiisa.

Shiinaha iyo India oo labaduba ku hubaysan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka ayaa sanado ku murasan deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan labada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga