Waxa markii ugu horeysay la xidhayaa goobaha dadweynaha ee magalooyin dhawr ah oo Maraykanka ku yaala, waxaana ka mid ah magaalada New York.

New York oo ka mid ah mgaaalooyinka ugu saxmadda iyo mashquulka badna dunida ayaa la arkayay iyadoo goobo badan la xidhay sida iskuulada, goobaha laga raaco gaadiid dadweynaha iyo meelo kale oo badan.

Gobolo Maraykanka ah sida Washington ayaa la mamnuucay isu-imaatinka dadweynaha iyadoo gabi ahaanba la xidhayo meelaha ay dadku ku kulmaan, sida lagu sheegay awaamir kasoo baxay badhasaabada gobolada.

Caabuqa Coronavirus ayaa u sabab ah xaaladdan adag ee soo wajahday qaybo badan oo ka mid ah dunida.

In ka badan 3000 oo qof ayaa laga helay caabuqa gudaha Maraykanka, halka 69 qofna ay u dhinteen. Tirada dadka qaadaya ayaa sii kordhaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga