Dawladda Afkaanistaan waxay hakisay sii daynta maxaabiista tirada badan ee ka xidhan kooxda hubaysan ee Daliban, arintaas oo walaac badan dhalinaysa. Waxay lhatar ku tahay heshiiskii kooxda lala galay.

Xukuumadda madaxweyne Asharaf Qaani waxay rabtaa in loo damaaanad qaado in maxaabistu aanay ku laaban doonin kooxda iyo furinada dagaalka ee buuralayda ay ka arimiso Taliban. Tirada maxaabiista lasii daynayo ayay sidoo kale dood kale ka taagantahay.

Heshiiska oo Daalibaan iyo Maraykanku ay bishii hore kala saxeexdeen ayaa lagu rabaa in dagaalka 20jisnaya ee baabiiyay Afkaanistaan lagusoo afjaro, balse fulinta qodobo ku jira ayay xukuumadda Kabul ka cago-jiidaysaa.

Daalibaan waxay rabtaa in wejiga hore lasii daayo 5000 oo maxbuus oo kooxda laga haysto, sida heshiiska uu Maraykanku la galay ku xusan. Balse toodbaadkii hore ayuu madaxweyne Asharf ghani ku dhawaaqay in 1500 oo maxbuus dhawaan ooda laga qaadi doono. Waa tallaabo xukuumadiisu ay ku rabto in ay 3000 oo dagaalame kusii dayso, balse daalibaan ayaa qorshahan saluugsan.

Waxa suurtagal ah in weeraradu ay mar kale bilaabmaaan hadii balanqaadka dawladdu uu sidiisa uu u fulo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga