Magaalada Washington D.C, ayaa waxaa lagu qabtay kulan, kulankaas oo ahaa mid laga qariyay saxaafadda ayaa waxaa si qarsoodi ah ugu kulmay masuuliyiin ka kala socda dalalka Maraykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka carabta.

Kulankan qarsoodiga ahaa ayaa lagaga hadlayay arrimaha Iiraan iyo sidii loo heli lahaa heshiis aan dagaal ku salays-nayn, kaasoo deggenaansho iyo xasiloonina u beddela Bariga dhexe iyadoo barta uu ka dhacayna ay ahayd  Aqalka cad ee looga taliyo Dalka Maraykanka.

Dawladaha Maraykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka, ayaa ahaa mid laga qariyay Saxaafadda, balse xogo hoose oo laga helay shirka ayaa xaqiijiyeen inuu ahaa kulan ka dhan ah Iiraan, sida ay qortay Wakaaladda wararka Axios ee laga leeyahay Dalka Maraykanka

Wakaaladda wararka Axios, ayaa sheegtay in Dawladda Imaaraadlka Carabta loo soo jeeiyay inay si dhow Maraykanka iyo Israa’iil ugala shaqayso arrimaha Iiraan iyo guud ahaan Bariga dhexe, si loo fududeeyo xidhiidhka u dhexeeya Israel iyo Dalalka Carabta.

Shirka ayaa waxaa Saddexda Dowladood u kala matalayay Sarkaal sare oo ka socdan Aqalka cad ee Maraykanka, Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibedda Israa’iil iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya Dalka Maraykanka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga