Qaybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa la gaynayaa ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah kuwa xooga dalka Soomaaliya.

Gacan-ku-haynta degmooyinka BeledXaawo iyo Dooloow ayay la waareegeen ciidamo dhawaan ay dawladdu halkaas u dirtay. Degmooyinkan ayay ku xooganaayeen ciidamo daacad u ahaa Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay baadi-goob ugu jirto dowladda kaddib markii uu ka baxsaday xabsi uu ku xidhnaa.

Maamulka Jubbaland oo ay hoos tagaan deegaanada ay dawladdu la wareegtay ayaan ku niyad-samayn hawl-galada ciidanka dawladda. Dawladda dhexe ayaa doonaysa in ay gabi ahaanba la wareegto deegaanadan isla markaana ka goyso maamulka Jubbaland oo hore ay u sheegtay in ayna aqoonsanayn madaxweyne Madoobe iyo maamulkiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga