Wararka ka imanaya caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa sheegaya in golaha wasiirada dalkaasi Suudaan ay kulan degdeg ah ku yeesheen magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, kulankan, ayaa waxay  ka wada hadleen kulankii kediska ahaan ee dalka Uganda ku dhex maray Madaxa golaha milateriga Suudan Gen. Cabdifataax Al-Burhaan iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil Binyamiin Netanyahu, kulankan ay golaha wasiiirada Suudaan iskugu yimaadeen ee degdeg ah ah ayaa waxaa hogaaminayay Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Suudaan Muhammad Saalax Feysal ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aan lagala tashan golaha wasiirada Suudaan balse ay si kedis ah u arkeen shirka oo dhacay taasoo ku noqotay arrin layaab ah dawladda Suudaan iyo shacabkeeda.

Wasiirka warfaafinta Suudaan wuxuu sheegay in aanay  illaa hadda hayn macluumaad faah-faahsan oo dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabihii  kulankaas lagaga wada hadlay, balse ay sugayaan soo laabashada Gen Cabdifataax Al-Burhaan hoggaanka Militariga Suudaan si buu yidhi aannu uga waraysanno kulankaasi iyo waxa kallifi kara.

Warar hoose, ayaa sheegay in golaha wasiirrada Suudaan in laga yaabo inay qorshaynayaan go’aan ka dhan ah Gen. Cabdilfataax Al-Burhaan maadaama kulankaasi uu noqday mid aan laga wada tashan, shacabka Suudaaniyiinta ayaa iyana dhankooda walaac ka muujiyay kulanka Cabdifataax Al-burhaan iyo raysal-wasaare Netanyahu.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga