Aqaalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka ayaa sheegay in ciidamadoodaku sugan waqooyiga dalka suuriya ee tageera ciidamada kurdiyiinta  in ay iskaga bixi doonan waqooyiga dalkaasi.

Isla markaana waxaa goobaha ay ka baxaan la wareegi doona ciidamada turkiga kuwaas oo qaadi doona maasuliyadda  dagaalka lagula jiro kooxda argagixiisada ah ee  daacish.

Sidoo kalena turkiga ayaa koox argagixiisa ah uu aqoonsan  kurdiyiinta dalka suuriya, Turkigu waxaa uu mudo badan doonayey in uu gacanta ku dhigo waqooyiga dalka suuriya sii uu meesha uga saaro ciidamada kurdiyiinta iyo kooxda daacish.

Arintan ayaa noqonaysa guulweyn oo ay gaadhay dawlada turkigu .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga