Ilwad Elman oo ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse haysata dhalashada waddanka Canada ayaa sanadkan kusoo baxday liiska dadka u taagan Billadda Nabada Dunida.

Elman waxay u ololaysaa nabadda, waxayna dedaal badan galisay hay’ad lagu magacaabo Elman Peace and Human Rights Centre oo loogu magac daray aabaheed.

29-jirtan ayay dad badani qabaan in ay u qalanto abaal-marintan, balse waxa liiska kula jira dad uu ka mid yahay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo lagu ammaanay arinta Waqooyiga Kuuriya.

Inta u dhaxaysa 7-14 bishan October ayaa lagu dhawaaqi doonaa cidda ku guulaysata abaalmarinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga