Malaayiin dad ah oo ka mid ah shacabka waddanka Iran ayaa iskugusoo baxay waddaooyinka waawayn ee magaalooyinka muhiimka ah si ay u xusaan Jeneraal Qaasim Sulaymaani, oo diyaaradaha aan cidi wadin ee Maraykanku ay ku dileen gudaha Ciraaq maalintii Jimcaha.

Sulaymani ayaa ka mid ahaa baalasha ay ku duulaan ciidamada ilaalada kacaanka ee dawladda Iran, isagoo masuul ka ahaa hawl-galadda ay dawladdiisu ka fuliso gobolka Bariga Dhexe.

Malaayiinka qof ayaa dalbanaya in si dhakhso ah loogusoo aaro Jeneraal Sulaymaani, iyadoo xukuumadda Tehraanna wacad ku martay in ay usoo aari doonto Jeneraalkeeda.

Xiisadda gobolka ayaa kacsan waxaana laga cabsi qabaa iska-hor-imaad dhexmara dawladaha Maraykanka iyo Iran oo si ba’an ugu hardamaya saamaynta ay ku leeyihiin Bariga Dhexe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga