Kooxda alShabab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya weerar culus ku qaaday xero milatari oo Maraykanku uu degenyahay taas oo ku taala deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Maraykanku.

Gaadhi wlaxaha lagasoo buuxiyay ayaa lala eegtay xerada Camp Simba ee ku taala deegaanka Manda Bay ee xeebta Lamu. Qiiqa ka dhashay qaraxa ayaa laga arkayay deegaanka, iyadoo wali aan la ogayn khasaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Maraykanka ayaa qirtay in ciidankiisa lagu weeraray xerada Simba, iyadoo war kasoo abxay waaxda Afrika ee AFRICOM lagu xusay in macluumaadka ay mar danbe la wadaagi doonaan dadka.

AlShabab ayaa inta badan weeraro dad badan lagu laayo ka fulisa deegaanada waddanka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo deegaanda xeebta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga