Warar dheerad ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loogu yeedho AFRICOM, ayaa sheegay in saddex Maraykanka ah lagu dilay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday saldhigga Lamu ee dalka Kiiniya, saldhiggaas oo ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kiiniya ay sida wadajir ah u isticmaali jireen.

Waa diyaarad kamid ah kuwa ciidanka Maraykanka oo fadhiisanaysa saldhigga la weeraray

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-shabaab si toos ah u bartilmaameedsato saldhig ciidamada Maraykanku leeyihiin oo kuyaal Afrika.

Wararka ayaa sheegay in lagu dilay weerarka mid kamid ah askarta ciidamada Maraykanka iyo laba qandaraasle dhanka militariga ah oo Maraykanka ahaa.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan inay Al-shabaab burburisay diyaarad Maraykanku leeyihiin iyo baabuur, sidoo kale khasaare lasoo gaadhsiiyay diyaarado saldhigga yaallay.

Kiiniya ayaa sheegtay in la dilay raggii wararka soo qaaday oo shan ahaa, Al-shabaab oo Alqaacida ku xidhan ayaa sheegatay inay iyagu ka dambeeyeen weerarkan.

 

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga